HadeethEnc · 1.19.0
Qofka u sooma Ramadaanka iimaan ahaan iyo ajar doon ahaan waa loo dhaafaa dambigiisii hore
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka u sooma Ramadaanka iimaan ahaan iyo ajar doon ahaan waa loo dhaafaa dambigiisii hore".
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka sooma Bisha Ramadaan isagoo Ilaahay qirsan oo rumaysan waajibnimada Ramadaanka iyo ajarka iyo abaalka wayn ee Ilaahay u diyaariyey dadka sooman, Ilaahay dartina ula jeeda oo aysan ka ahayn is tustus iyo ha lagu maqlo, waa loo dhaafaa dambiyadiisii hore.
03
Benefits
Xadiiska waxaa ku sugan Ikhlaaska fadligiisa iyo muhimada uu u leeyahay Soonka Ramadaanka iyo Acmaasha kale ee Saalixa ah.
Attribution
[Xadiis la isku waafaqay]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

