ee maxaan kugula mubaayacoonaa? wuxuu yiri: "inaad Ilaahay caabudaan, wax kalena aydaan la caabudin, iyo salaadaha shanta ah, oo aad adeecdaan-hadal yar buu hoos u dhigay-dadkana waxba ha waydiisanina
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Abii Muslim Alkhawlaani waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaa ii waramay Xabiibkii Aaminka ahaa, isgu waa midaan jeclahay, oo isagu waa ka aamin xagayga, Cawf Binu Maalik Alashjaciye-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan la joognay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee anagoo sagaal ama sideed ama todoba ah, wuxuuna yiri: " miyeydaan la mubaayacoonayn Rasuulka Ilaahay?" waxaan ahayn kuwo ku cusub baycada, waxaan niri: waanu kula mubaayacoonay Rasuulka Ilaahayow, ka dib wuxuu yiri: "miyeydaan la mubaayacoonayn Rasuulka Ilaahay?" wuxuu yiri: gacmahayagaan fidinay, waxaana aan niri: waan kula mubaayacoonay Rasuul Ilaahayow, ee maxaan kugula mubaayacoonaa? wuxuu yiri: "inaad Ilaahay caabudaan, wax kalena aydaan la caabudin, iyo salaadaha shanta ah, oo aad adeecdaan-hadal yar buu hoos u dhigay-dadkana waxba ha waydiisanina" xaqiiqo ahaan waxaan arkay kuwaa qaarkood oo markuu jeedalku ka dhoco aan waydiisanayn qof u soo dhiiba.
Explanation
mida 1aad: inay Ilaahay kaligi ay caabudaan, iyagoo u hogaan samaya amaradiisa, kana fogaanaya wixii uu ka reebay, cid kalena cibaadadiisa aanay la wadaajin.
mida 2aad: inay oogaan salaadaha shanta ah, ee Ilaahay faral yeelay maalinta iyo habeenka.
mida 3aad: In la maqlo oo wanaaga lagu adeeco qofka loo dhiibo talada Muslimiinta.
mida 4aad: baahidooda oo ay Ilaahay keligi u sheegtaan, oo aanay dadka waxba waydiisan, Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-codkiisa hoos ayuu u dhigay.
wayna ku camal faleen asaxaabtu wixii ay Nabiga kula mubaayacoodeen, ilaa uu raawiga xadiisku yiri: waxaan arkay asaxaabtii uu Nabigu scw la mubaayacooday oo haduu midkood jeedalku ka dhoco aan cidna waydiisanayn inay u soo qaadaan, ee isagu soo dagayo oo qaadanayo jeedalkiisa.
Benefits
Su'aasha la reebay waa mida ku saabsan: arin aduunyo, oo su'aashu makhusayso wixii diin iyo aqoon kororsi ah.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

