HadeethEnc · 1.19.0
Sankiisu ha booroobo (haddulloobo), sankiisu ha booroobo, sankiisu ha booroobo", waxaa lagu yiri: waa kee? Rasuulkii Ilaahayow wuxuu yiri: "waa qofka soo gaara labadiisa waalid iyagoo gaboobay, midkood ama labadaba ee aan janada galin
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Rasuulka ka wariyey -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Sankiisu ha booroobo (haddulloobo), sankiisu ha booroobo, sankiisu ha booroobo", waxaa lagu yiri: waa kee? Rasuulkii Ilaahayow wuxuu yiri: "waa qofka soo gaara labadiisa waalid iyagoo gaboobay, midkood ama labadaba ee aan janada galin".
02
Explanation
Wuxuu ku habaaray Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -duli iyo ceeb heer uu sankiisa ciida galiyo-saddex jeer buu ku cel-celiyey- markaasaa la waydiiyey: waa kee kan aad habaartay Rasuulkii Ilaahayow?
Nabigu wuxuu yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-: waa qofka soo gaara labadiisa waalid oo gaboobay-midkood ama labadoodaba- ee ay sabab ugu noqon waayaan inuu janada galo, sababtoo ah uma uu ixsaan falin waana ku caasiyoobay.

03
Benefits
Waa waajib in baari loo noqdo labada waalid, waxayna ka mid tahay asbaabta janada lagu galo, gaar ahaan markay gaboobaan ama ay taag daran yihiin.
Waalidka in lagu caasiyo waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn.
Waalidka in lagu caasiyo waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn.
Attribution
[Waxa wariyay Muslim]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares