HadeethEnc · 1.19.0
Hadii Adoonku jirado ama uu safro waxaa loo qoraa xasanaadkii uu qaban jiray markuu daganaa ee uu caafimaadka qabay
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Hadii Adoonku jirado ama uu safro waxaa loo qoraa xasanaadkii uu qaban jiray markuu daganaa ee uu caafimaadka qabay".
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay fadliga Ilaahay iyo raxmadiisa, hadii Qofka Muslimka ahi caadaysto inuu sameeyo camal wanaagsan marka uu caafimaadka qabo ee Gurigiisa joogo ka dibna uu ku yimaado wax cudurdaar ah sida Jiro oo uu awoodi waayo inuu camalkii suubiyo ama uu kaga mashquulo safar ama wax kale, waxaa loo qoroyaa ajar kaamil ah sidii isagoo sameeyey camalka markuu Gurigiisa joogay oo uu caafimaadka qabay oo kale.
03
Benefits
Xadiiska waxaa ku sugan Ilaahay fadligiisa waasica ah ee uu siiyey Adoomadiisa.
Waxaa la isku boorinayaa in lagu dadaalo cibaadada oo laga faa'iidaysto waqtiga caafimaadka iyo firaaqada la ahaysto.
Waxaa la isku boorinayaa in lagu dadaalo cibaadada oo laga faa'iidaysto waqtiga caafimaadka iyo firaaqada la ahaysto.
Attribution
[Waxa wariyay Albukhaari]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

