HadeethEnc · 1.19.0
In Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu tukanaayo wuxuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, ilaa ay muuqato cadaanta labadiisa kilkilo
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Cabdullaahi Binu Maalik Binu Buxaynah Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: In Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu tukanaayo wuxuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, ilaa ay muuqato cadaanta labadiisa kilkilo.
02
Explanation
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu sujuudayo wuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, oo gacan walba wuxuu u fogayn jiray dhinaceeda, sida labo baal oo kale, ilaa ay muuqato midabka labadiisa kilkilo. taasuna waa iyadoo lagu xeel dheeraado in labada gacmood sida baalal laga dhigo oo qofku ka fogeeyo labadiisa dhinac.
03
Benefits
Waa suno in qaabkaas loo sujuudo, waana iyadoo laga fogeeyo labada cududood labada dhinac.
Qofka ma`amuumka ah hadii kan ku dhinac tukanaya uu ku dhibtoonayo kala fogayntaas uma banaana kala fogayntu.
kala fogaynta gacmaha ee sujuuda waxaa ku jira xikmad iyo faa'iidooyin badan, waxaa ka mid ah: muujinta firfircoonida iyo jaceylka salaada, haduu sujuuda ku taagsado xubin walba waxay qaadanaysaa xubin walba xaqa ay ku leedahay cibaadada, waxaa kaloo la yiri: taas xikmada ku jirtaa waa inay u eg tahay tawaaduc, waana sida ugu fiican oo wajiga iyo sanka dhulka loo saari karo, iyo in xubin walba gaar u soocanto.

Attribution
[Xadiis la isku waafaqay]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares