HadeethEnc · 1.19.0
Salaad lama tukan karo hadii cunto la soo dhigo iyo hadii Qofku labada Nijaaso isku celinaaya
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Salaad lama tukan karo hadii cunto la soo dhigo iyo hadii Qofku labada Nijaaso isku celinaaya".
02
Explanation
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Salaad la tukado hadii Cunto la soo dhigay, taasoo Nafta Qofka tukanayaa ay rabto oo uu Qalbiga ku hayo.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu kaloo uu reebey inuusan tukan karin Qofka isku celinaaya labada Najaaso oo ah Kaadida iyo Saxarada, waayo wuxuu mashquul ku yahay inuu dhib isku celiyo.

03
Benefits
Waxaa la gudboon Qofka tukanaya inuu iska fogeeyo wax kastoo Salaada ka mashquulinaya intaanu galin Salaada.
Attribution
[Waxa wariyay Muslim]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares