HadeethEnc · 1.19.0
qofka Ilaahay darti u xajiya ee aan dumarka la haasaawin ee aan fusuq la imaan wuxuu soo noqdaa isagoo danbi ka ah sida Maalintii Hooyadi dhashay
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay isagoo dhahaya: "qofka Ilaahay darti u xajiya ee aan dumarka la haasaawin ee aan fusuq la imaan wuxuu soo noqdaa isagoo danbi ka ah sida Maalintii Hooyadi dhashay.
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka Ilaahay darti u Xajiya ee aan Rafas la imaan, Rafaskuna waa Galmada iyo wax yaabaha ka horeeya sida dhunkashada, iyo salaaxida, waxaa kaloo lagu macneeyaa Rafaska hadalka xun, Qofkaasoo aan samayn fisqi, iyo ficil macsiya iyo xumaan. Fusuqa waxaa ka mida in lagu dhoco wax yaabaha ka reeban Qofka Muxrimka ah, Qofkaasi wuxuu Xajkiisa ka soo laabtaa isagoo loo dambi dhaafay, oo ah sida Ilmuhu markuu dhasho aanu danbi u lahayn.
03
Benefits
Fusuqu isagoo reeban mar walba, hadana waxaa lasii adkeeyey reebidiisa marka Xajka la gudanaayo, iyado la waynaynaayo acmaasha Xajka.
Dadku waxay dhashaan iyago wax danbiya aan lahayn, mana qaadayaan gaf qof kale galay.
Dadku waxay dhashaan iyago wax danbiya aan lahayn, mana qaadayaan gaf qof kale galay.
Attribution
[Xadiis la isku waafaqay]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

