HadeethEnc · 1.19.0
Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib )
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Abii Hurayra _Allaha ka raali noqde waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa u yimid nin indhoole ah, wuxuuna ku yidhi Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Rasuulka Ilaahayow, mahaysto qof Masaajidka ii kaxeeya oo Gacanta i qabta, wuxuuna weydiistay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu u ogolaado inuu Gurigiisa Salaada ku tukado, waanu u ogolaaday Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, laakiin makuu ka dhaqaaqay ayuu u yeeray, wuxuuna ku yiri:" Aadaanka
Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib ).
02
Explanation
Nin indhoole ah ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimi wuxuuna yiri: Rasuul Ilaahayow, ma halayo Qof i caawiya oo Gacanta i qabta oo ii kaxeeya masaajidka, Salaadaha Shanta ah, wuxuu rabay in Rasuulka u fasaxo inuusan jamacada imaan, wuuna u fasaxay, markuu ka dhaqaaqey ayuu u yeeray wuxuuna ku yiri: Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu ku yiri: Aadaanka Salaada ajiib.
03
Benefits
Salaada Jamaacadu waa waajib, waayo rukhsada waxaa laga qaataa uun shay waajib ah.
Hadalka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee ah (Ajiib dhawaqa) Qofka maqalaya Aadaanka wuxuu ku tusayaa inay waajib tahay Salaada Jamaacada ahi, waayo amarka asalkiisu waa waajib.
Hadalka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee ah (Ajiib dhawaqa) Qofka maqalaya Aadaanka wuxuu ku tusayaa inay waajib tahay Salaada Jamaacada ahi, waayo amarka asalkiisu waa waajib.
Attribution
[Waxa wariyay Muslim]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

