HadeethEnc · 1.19.0
Arinkaani (islaamka) wuxuu gaaridoonaa Habeenka iyo Maalintu halkay gaaraan, Ilaahay dayn maayo guri magaalo iyo Guri baadiye midna ee wuu galin Diintiisa
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Tamiim Addaari-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Arinkaani (islaamka) wuxuu gaaridoonaa Habeenka iyo Maalintu halkay gaaraan, Ilaahay dayn maayo guri magaalo iyo
Guri baadiye midna ee wuu galin Diintiisa, wuxuu ku galin sharafta mid sharaf leh ama dulinimada mid duli ah, sharaf uu Ilaahay ku sharfayo Islaamka, iyo dulayn uu Ilaahay ku dulaynayo kufriga" wuxuu dhihi jiray Tamiim addaari: aarinkaa waxaan ku ogaaday oo aan ku arkay qaraabadayda, dhab ahaan khayr iyo sharaf bay heleen kuwa Islaamay, kuwa gaalnimo ku harayna waxaa haleelay duli, quursi iyo jisyo.
02
Explanation
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Islaamku ku faafidoono meel walba oo Dhuka ka mida, Diinta Islaamku waxay gaaridoontaa meelkasta oo Habeenka iyo Maalitu gaaraana, Ilaahayna ka tagi maayo Guri Magaalo, Tuulo, Baadiye iyo Saxaraha midna ee wuu galinayaa Diintaan. Qofka qaata Diinta Islaamka ee iimaanka laga helo wuxuu noqon mid lagu sharfo sharafta Islaamka, Midka iska Diida ee ku gaalooba Diinta wuxuu noqon mid duliya oo ihaanaysan.
Intaa ka dib saxaabiga Tamiim addaari-Allaha ka raali ahaadee- ayaa sheegay inuu arinkaa ku arkay dadka isaga eheladiisa ah, oo inta ka islaamtay khayr iyo sharaf iyo cisi heleen, inta Gaalnimada qaadatayna duli iyo ihaano ku dhacday, iyagoo waliba jisyo bixinaya oo Muslimiinta siinaya.

03
Benefits
Muslimiinta bisharaa ugu sugan xadiiskaan in Diintoodu Dhulka oo dhan wadagaari doonto.
Cisiga iyo sharaftu Islaamka iyo Muslimiintay u sugnaatay, duligana Gaalnimada iyo Gaaladay u sugnaatay.
Xadiiskaan waxaa ku sugan daliil cad oo ah cadeymaha muujinaya Nabinimada Suubanaha nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo warkaa uu sheegay uu u dhacay sidii uu sheegay.

Attribution
[Waxa wariyay Axmed]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares