HadeethEnc · 1.19.0
Ku tuko taagni, hadaadan awoodina fadhi ku tuko, hadaadan awoodin adigoo dhinac u jiifa tuko
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Cimaraan Binu Xusayn -Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan qabay Baabasiir, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan waydiiyey sideen Salaada u tukadaa, wuxuuna yiri: "Ku tuko taagni, hadaadan awoodina fadhi ku tuko, hadaadan awoodin adigoo dhinac u jiifa tuko".
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Salaada asalkeeda lagu tukado taagni, xaaladaha uu Qofku kariwaayo maahee, markaasoo loo ogol yahay Qofku inuu fadhiga ku tukado, haduu fadhigana awoodi waayo wuxuu ku tukanayaa isagoo dhiniciisa u jiifa.
03
Benefits
Salaaddu Qofka kama dhacdo inta caqligiisu joogo, kolba xaalad ayuu u guurayaa inta awoodiisu dhan tahay.
Diinta Islaamku waa mid samaaxo iyo fudayd ah, oo Adoonku wuxuu gudanayaa cibaadada inta uu awoodo.
Diinta Islaamku waa mid samaaxo iyo fudayd ah, oo Adoonku wuxuu gudanayaa cibaadada inta uu awoodo.
Attribution
[Waxa wariyay Albukhaari]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

