KHALIIFKII AL-MA MUUN IYO YAHUUDIGII

Khaliifkii Al-Ma'muun waxa uu lahaa gole lagu doodo, waxaa dadkii golaha la soo galay nin Yuhuudi ah, oo si fiican u lebbisan, weji wanaagsanna leh, wuuna hadlay oo si fiicanna u hadlay. Golihii marki uu dhammaaday, Al-Ma'muun baa u yeedhay oo ku yidhi: ma Israa'iili baad tahay? (Ma Yuhuudi baad tahay?) Wuxuu yidhi: Haa.